Alle ha u naxariistee, Muuse Warsame Cumar oo laba jeer soo noqday xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Garoowe.
Ex. Xildhibaan Muuse oo laga soo dooran jiray degmada Garoowe ayaa laba jeer oo is xigta soo noqday xildhibaan 2005-2013 xilliyadii xukuumadda, Cadde Muuse xukuumaddii, Cabdiraxmaan Faroole.
Marxuumka ayaa sidoo kale ahaa macallin si weyn looga ixtiraamo Gobolka Nugaal gaar ahaanna caasimadda Garoowe.
Geeridiisa waxaa durba ka tacsiyeeyay mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo siyaasiyiin kala duwan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.