Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabis sameeyay

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu ku magacaabay la-taliyeyaasha arrimaha dastuurka iyo arrimaha federaalka.

Dr. Cabduraxmaan Cabdullaahi Baadiyow ayaa loo magacaabay la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dastuurka, halka Axmed Cabbaas Axmed loo magacaabay la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha federaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la-taliyeyaasha cusub kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegaan dalka.

PUNTLAND POST