
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ku wajahan magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kaga qayb-galayo caleema-saarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Siciid Deni, ayaa qayb ka ah wufuud kala duwan oo ku qulqulaysa magaalada Muqdisho kuwaas oo ka qayb-galay caleema-saarka madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynayaasha Kenya, Jabuuti, Ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo Madax kale oo ka socota Caalamka ayaa lagu wadaa in ay ka qayb-galaan caleema-saarka.
Dhammaan madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa sidoo kale ka qayb-galay munaasabadda caleema-saarka oo lagu qabanayo Teendhada Afisyooni.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.