Deni, Laftagareen iyo Guudlaawe oo soo gaaray Muqdisho

Madaxweynayaasha Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka qaybgalaya caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka.

Xafladda caleemo-saarka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhacaysa berri oo khamiis ah, waxaana ka qaybgalaysa madax ay ka mid yihiin kuwa dalalka deriska.

PUNTLAND POST