Wadooyinka waaweyn ee Muqdisho oo xiran

Waxaa saaka xiran wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, ciidamo faro badan ayaa ku sugan wadooyinka xiran, isu socodka dadka iyo gaadiidka ayaana adeegsanayn wadooyinka qaarkood.

Wadooyinka xiran saaka waxaa ka mid ah Maka Almukarama, Isbitaalka xoogga, Isgoysyada lambar afar, Soobe iyo wadada 21-ka Oktoobar ee magaalada Muqdisho.

Si dhab ah looma oga sababta keentay in wadooyinkaas la xiro iyo ciidamada faraha badan ee lagu soo daa’diyey wadooyinka, mana jirto wax faahfaahin ah oo kasoo baxday laamaha amaanka oo ku saabsan wadooyinka xiran.

Wararka qaar ayaa xusaya in Muqdisho ay imaanayaan wafuud ka socota dowladaha Masar iyo Kenya oo ka qayb galaysa caleemo-saarka madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo la filayo inay dhacdo 9-ka bishaan.

PUNTLAND POST