Muqdisho oo lagu qabtay kullan looga hadlay adkaynta Amniga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaar-garowga sugida Caasimada Maalinta Caleema Saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Wasaarada Amniga, Taliyaha Ciidanka Booliska , Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska iyo Nabadsugida, dhamaan Saraakiisha Saldhigyada iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa la iskula dar-daarmay in ahmiyad guud la siiyo maalinta 9-ka june 2022 oo ku beegan Khamiis, maalintaasi oo ay dhici doonto Caleema Saarka Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale Bulshada Caasimadda ayaa laga codsaday in ay dulqaad iyo adkeesi  muujiyaan labada maalin ee foodda nagu soo heyso, oo Muqdisho ay ka dhici doonto Caleemo saarka madaxweynaha, isla markaana ay kasoo qeybgeli doonaan wufuud heer caalami oo Madaxweyneyaal leh, taasoo ay dhici karto culeesyo dhanka Amni in laga dareemo.

PUNTLAND POST.