Madaxweynaha Jubaland oo soo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, si uu uga qaybgalo caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Jubaland waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka.

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada kale ee dalka ayaa iyaguna soo gaari doona magaalada Muqdisho maalmaha soo socda, si ay uga qaybgalaan caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka.

Dhanka kale wufuud ka socda caalamka ayaa maalmihii u dambeeyay soo gaaray magaaladda Muqdisho, kuwaas oo qaarkood ay hordhac u ah u yihiin madax sare oo ka qaybgalaysa caleemo-saarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xafladda caleemo-saarka madaxweyne Xasan ayaa lagu wadaa in ay ka qabsoonto 9-ka bishan Juun oo ku beegan maalinta khamiista ah.

PUNTLAND POST