Dowladda Soomaaliya oo jaangoysay sicirka adeega Xajka

Guddiga Tartanka Adeega Xajka ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliy ayaa soo saaray jaangooyada sicirka adeega Xajka ee sanadkan 1443/2022.

Guddiga ayaa wadarta guud ee sicirka adeega Xajka ee sanadkan ka dhigay $5,230 (Shan kun labo boqol iyo soddon doolar).

Qiimaha Xajka ayaa sanadkii hore ahaa $3,800, waxaana sanadkan lagu kordhiyay lacag gaaraysa $1,430.

Soomaaliya waxaa sanadkan ka baxaysa xujay gaaraysa 5,000 waxaana qaar ka mid ah dowlad goboleedyada cabasho ka muujiyeen saamiga ay ha helaan tiradaas.

PUNTLAND POST