
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo isniina xarunta wasaaradda arrimaha gudaha Puntland wuxuu kullan kula qaatay guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC)
Kullan ayaa daarnaa sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saareen guddigu sidii loo dar dargalin lahaa wajiga labaad ee doorashooyinka degmooyinka Puntland oo qorshuhu yahay in lasoo gabagabeeyo sanadkaan 2022 ka.
Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhagaystay guddiga oo ku saabsanayd halka ay marayaan howlaha doorashooyinka iyo wixii u qabsoomay, waxaana goob joog ka ahaa shirka qaar ka mid wasiiradda Puntland.
Kullanka guddiga iyo madaxweyne Deni ayaa kusoo aadaya xilli aan wali la qaan doorashada maamulka degmada Eyl. Sidoo kale kullan ayaa imaanaya iyadoo madaxweyne Dani uu ka yimi Muqdisho, kana mid ahaa musharixiintii u tartamaysay madaxweynaha Soomaaliya.








PUNTLAND POST.
You must be logged in to post a comment.