Mas’uul ka tirsan dowladda Itoobiya oo lagu so dhaweeyey Muqdisho

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Itoobiya Mohamed Rafie Abaraya ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho oo ay ku soo dhoweeyeen Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Cismaan, Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Cabdifataax Cabdullaahi Xasan iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka.

Wafdigan soo gaaray Muqdisho ayaa hordhac u ah wafuud kala duwan oo lagu wado in ay soo gaarayaan dalka, kuwaas oo ka qeyb galaya xafladda caleema saarka madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud oo dhaceysa 9-ka bishan.

Ra’iisal wasaaraha xilgaarsiinta xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan magacaabay guddiga qaban qaabada caleema saarka Madaxweynaha, kuwaasoo ka shaqeynaya habsami u socodka xafladda oo ay ka soo qeyb galayaan Madaxweynayaal, Wasiiro Arrimo dibedeed, danjireyaal iyo mas’uuliyiin ka kala imaaneysa dowladaha caalamka.

PUNTLAND POST