Wariye Cumar Seerbiya oo Hargeysa lagu xiray

Wariye Cumar Cali Xasan (Seerbiya) ayaa maanta lagu xiray garoonka diyaaraha magaalada Hargeysa, xilli uu ka yimid magaalada Muqdisho.

Cumar Seerbiya oo ah suxufi uruuriya taariikhda fanka iyo fanaaniinta Soomaalida ayaa qoraal uu sii dhigay bartiisa Facebook ku yiri “waxaa la igu xiray madaarka Hargeysa”.

Wariye Cumar Seeriya ayaa sidaan oo kale 2017 lagu xiray magaalada Hargeysa, xilli uu ka yimid magaalada Muqdisho.

Xorriyadda saxaafadda Somaliland ayaa aad looga dayrinayaa, iyadoo hadda magaalada Hargeysa ay ku xiran yihiin dhowr wariye oo xukuno lagu xiray.

PUNTLAND POST