Dowladda iyo Ha’yadaha gar gaarka oo war-murtiyeed soo saaray

Ha’yadaha gar gaarka iyo Dowladda Soomaaliya ayaa si wadajir uga dayriyey xaalka abaareed ee dalka Soomaaliya, iyagoo sheegay in marba marka kasii dambaysa ay sii kordhayso waxyeelada abaartu ugaysanayso dadka Soomaaliyeed.


War-murtiyeed ay soo saareen ayey ku sheegeen inay soo food saartay cunto la’aan 5.2 Milyan qof , kuwaas oo hadda u baahan gar gaar deg deg ah.


Waxaa sidoo kale sii kordhaysa heerka nafaqo xumo iyo dhimashada, sida lagu sheegay war-murtiyeedka .
Meelaha Soomaaliya ay nafaqo xumada dadku wajahayaan waxaa kamid ah gobolka Baay gaar ahaan magaalada Baydhabo.


Abaarta ka jirta Soomaaliya ayaa maraysa meeshii ugu xumayd, carruur iyo dad waayeela ayaa u dhintay cunto iyo biyo la’aan, boqolaal reer guuraa ah ayaa waayey xoolahoodii oo ku jira kaamam kuwaas oo aan haysan daryeel.

PUNTLAND POST.