Qaramada Midoobay oo war ka soo saartay xaalada Bani’aadanimo ee Soomaaliya

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay qoondo cusub oo dhan 20 milyan oo dollarka Mareykanka ah oo ka timid Sanduuqa Bani’aadantinimada Soomaaliya (SHF) si gargaar degdeg ah loogu fidiyo dadka halista ugu jira macluusha.

Adam Abdelmoula oo ah xiriiriyaha arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka jirto musiibo ka dhalatay abaaro ba’an oo ku habsaday qeybo badan oo ka mid ah dalka.

“Dhowr goobood, waxaa kordhay khatarta macluusha, tiro badan oo Soomaali ah ayaa qarka u saaran masiibo,” ayuu Abdelmoula.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, Soomaaliya ayaa ah dalka ugu badan ee ay abaaruhu saameeyeen ee Geeska Afrika. Ugu yaraan 6.1 milyan oo qof ayaa ay saamaysay, kuwaas oo 771,000 ka mid ahi ay ka tageen guryahoodii iyagoo raadinaya biyo, cunto iyo daaq.

PUNTLAND POST