Maxay ka wadahadleen Madaxweyne Deni iyo wafdiga Finland?

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa kulan la qaatay wafdi ka socda dowladda Finland oo uu hoggaaminayo madaxa horumarinta mashaariicda ee Finland u qaabilsan Soomaaliya Mauri Starckman.

Madaxweyne Deni iyo wafdiga Finland ayaa ka wada hadlay mashaariicda horumarin ee Finland ka wado Puntland gaar ahaan arrimaha ka hortagga nabaadguurka iyo ilaalinta deegaanka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Finland oo uu hoggaaminayo madaxa horumarinta mashaariicda ee Finland u Qaabilsan Soomaaliya Mauri Starckman, oo ay weheliyaan qaarka mid ah jaaliyadda reer Puntland ee Dalkaasi, Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuumadda, Siyaasiyiin iyo aqoonyahan” ayaa lagu yiri qoraalka madaxtooyada Puntland.

“Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii loo laba jibaari lahaa mashaariicda horumarin ee Finland ka wado Puntland gaar ahaan arrimaha ka hortagga nabaadguurka iyo ilaalinta deegaanka” ayaa lagu daray.

Deegaannada Puntland waxaa ka jira xaaluf lagu hayo dhirta oo siyaabo kala duwan loo jaro iyo nabaadguurka dabiiciga ah oo ay sababaan biyaha iyo dabaysha.

PUNTLAND POST