Mareykanka oo duqeyn cirka ah ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Taliska ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa duqeymo dhanka cirka ah oo lala beegsaday Al-shabaab ka fuliyay degaanka Beerxaani ee gobolka Jubbada Hoose.

Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay 5 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

“Dowladda Soomaaliya iyo taliska Mareykanka ee Afrika oo iska kaashanaya ayaa howlgal dhanka cirka wax ay ka fileen degaanka Beer-xaani oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose” ayaa lagu qoraalka.

“Shan xubnood ayaa la xaqiijiyey in duqeyntaas looga dilay argagixisada Al-Shabaab, mana jiraan wax khasaare ah oo soo gaaray dad rayid ah” ayaa lagu daray.

Waa weerarkii ugu horreeyay oo ciidamada Mareykanka ka fuliyaan Soomaaliya tan iyo markii Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu bishii hore ee Maajo saxiixay in boqolaal askari oo Mareykan ah dib ugu noqdaan Soomaaliya, si ay uga hortagaan kooxda Al-shabaab.

Saraakiisha militariga Mareykanka ayaa horey u sheegay in la-dagaalankii Al-shabaab ay wiiqday go’aankii madaxweynihii hore Donald Trump uu ciidamada Mareykanka uga soo saaray Soomaaliya.

PUNTLAND POST