Muqdisho (Wararka PP) — Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa majalladda The Economist u sheegay in uu dib u tartamay kaddib markii uu arkay in waxqabadkiisii la burburinayay. “Maamulkii hore wuxuu dhan iskaga leexiyay Jubaland iyo Puntland oo ah laba maamul oo awood-badan leh” ayay majaladdu qortay.
Waxay ku tilmaamntay taliskii hore ee Xasan Sheekh mid uu musuqmaasuq dilooday, laakiin hadda uu waayo-aragnimo leeyahay lagana yaabo inuu ka faa’iideysto fursaddan.
M. Mubaarak oo ah asaasaha Marqaati, urur la dagaallama musuqmaasuqa, ayaa dadka xusuusiyay in maamulkii Xasan Sheekh Maxamuud ahaa kii ugu xumaa soo maray Soomaaliya “waayo xaaskiisa iyo walaalkiis ayaa dalka maamulayay”.
Sida muuqata Galbeedku waxay xoogga saarayaan daadejinta maamulka heer federaal, waana siyaasad ka duwan tii awood ku soo ururinta Muqdisho oo Madaxweyne Farmaajo lagu eedeeyay inuu waday.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu sameeyay hanti-dhowr seddex sano, halka Madaxweyne Xasan Sheekh uusan marnaba samaynin hanti-dhowr.
“Haddii Madaxweyne uu musuqmaasuq ku caanbaxo waa sida qof tuuganimo ku caanbaxay. Deeqbixiyayaashu waxay xusuusinayaan hantidii uu lunsaday marka uu dan qaran ka hadlo. Waa in Madaxweyne Xasan Sheekh ballanqaado inuu dhowrayo madaxbannaanida hantidhowrka qaranka” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Soomaaliya.
© Puntland Post, 2022
You must be logged in to post a comment.