Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka degay Dhuusamareeb

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Madaxweyne Xadan Sheekh waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb si diiran ugu sooo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, mas’uuliyiin kale iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb wuxuu kulamo la qaadan doonaa mas’uuliyiinta Galmdug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh oo safaro ku maraya xarumaha dowlad goboleedyada dalka ayaa tan iyo todobaadka dambe wadi doona booqashooyinka dowlad goboleedyada.

PUNTLAND POST