Xeer ilaalinta Puntland oo waaran u jartay dad horleh oo ku eedaysan dhoofinta geed-quwaaxa

Xeer-ilaalinta dowladda Puntland ayaa waaran deg deg ah u jartay dad horleh oo ku eedaysan mashruuca dhoofinta dhirta geed-quwaaxa.

Warqad ka soo baxday xafiiska xeer ilaalinta Puntland ayaa lagu amray in sida ugu dhakhsaha badan loo soo qabto islamarkaana sharciga la horkeeno dadkaas ku eedaysan kiiska dhoofinta geed-quwaaxa.

Magacyada dacwaysan ee ka muuqda warqaddaas waa ilaa shan eedaysane oo qaarkood si weyn loo raadinayo.

Xeer ilaalintu ma bixin ogolaansho lagu baahiyo warqaddaaas inta laga soo qabanayo shakhsiyaadka dacwaysan.

PUNTLAND POST