Wararkii u dambeeyay ee kulan xalay dhexmaray Deni iyo Axmed Karaash

Madaxweyne Siciid Deni iyo madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay xarunta madaxtooyada Garoowe.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in kulanka labada mudane lagu dhammaystiray xallinta khilaafkii u dhexeeyay muddooyinkii danbe.

Dad ka agdhow labada dhinac oo aan xiriir la samaynnay way ka gaabsadeen in ay faahfaahiyaan sida looga heshiiyay khilaafkii jiray balse waxay xaqiijiyeen in laga gudbay khilaafkaas.

Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in labada mudane doonayaan in la dardar geliyo hawlaha dowladda oo gaabis xoogan ka jiro si meesha looga saaro dhaliila muuqda.

PUNTLAND POST