Puntland oo maxkamadaynaysa rag ku eedaysan dil maxbuus

Maxkamadda derejada kowaad ee degmada Qardho ayaa lagu wadaa in ay maanta bilowdo dhegaysiga dacwadda loo haysto shan maxbuus oo ku eedaysan dilkii marxuum Sharma’arke Warsame Nuux kaas oo todobaad ka hor lagu dhex dilay xabsiga magaalada Qardho.

Shanta eedaysane ayaa dhammaantood qirsan dilkii marxuumka kadib baaritaanno kala duwan oo lagu sameeyay sida ay xaqiijinayaan dad ka tirsan hay’adaha dowladda u qaabilsan dhinaca baarista.

PUNTLAND POST