Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa haatan ka degay garoonka diyaaradaha caasimadda Garoowe.
Garoonka waxaa ku soo dhoweeyay madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamanka oo ay weheliyaan mas’uuliyiin kala duwan iyo dadweyne kale.
Madaxweyne Deni ayaa ka yimid magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya halkaas oo uu muddooyinkii danbe safar ku joogay.
PUNTLAND POST