Guddi loo magacaabay amniga caleema-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya amniga xafladda caleema-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddiga oo ka kooban 7 xubnood ayaa waxaa guddoomiye u ah Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, waxaana ka mid ah taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugidda.

Xafladda xafladda caleema-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qorshuhu yahay in ay dhacdo 9 bisha Juun 2022, waxaana ka qaybgalaya qaar ka mid ah madaxda dalalka Afrika.

PUNTLAND POST