Guddi ka tirsan Baarlamanka Puntland oo la kulmay mas’uuliyiinta garoonka diyaaradaha Boosaaso

Guddiga Amniga iyo Nabadgelyadda iyo Guddiga Maaliyada oo Kormeeray Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso.

Guddiga amniga iyo nabadgalyada golaha wakiillada iyo guddiga Maaliyada, Dhaqaalaha iyo xisaabaadka Golaha Wakiillada DPL, ayaa maanta u kuur-galay shaqada garoonka diyaaradaha magaaladda Boosaaso.

Ugu horeyn guddiyada ayaa kulamo la qaatay Maareeyaha Garoonka iyo Saraakiisha kastamka cashuuraha, kuwaas oo ay ka dhageysteen habsami u socodka shaqada iyo xoojinta dhakhliga Kastamka oo ay sheegeen in bishiiba ay soo fariistaan in kabadan 100 diyaaradod oo isugu jira caalami iyo kuwo sameeya safaro gudaha dalka ah.

Dhinaca kalena, Guddiga Amniga ayaa ku Ciidanka amniga ku adkeyay xoojinta amniga iyo Nabadgelyadda Garoonka.

Kormeeradan ayaa qeyb ka ah shaqooyinka Guddiyadda Golaha Wakiillada DPL sida uu qabo Qodobka 64aad Dastuurka.

PUNTLAND POST