
Madaxweynaha Maraykanka iyo xaaskiisa ayaa booqday magaalada Uvalde ee gobolka Texas, halkaas oo uu dhowaan ka dhacay weerar lagu laayay 19 carruur ah iyo laba macallin.
Qoyska Reer Biden ayaa socod ku ag maray ubaxyo lagu maamuusayey dhibanayaasha meel ka baxsan dugsiga hoose ee Robb, iyaga oo mar mar joogsanayey si ay u taabtaan sawirada 21kii dhibbane oo meesha ku dhaganaa.
Madaxweynaha iyo xaaskiisa ayaa dhowr saacadood ku qaatay magaaladaas yar ee dhinaca koonfurbari ku taalla, iyaga oo la hadlayey dadka uu sida ba’an u saameeyey, weerarkaas oo uu geystay wiil 18 jir ah.
Biden ayaa sidoo kale ka qeyb galay duco ka dhacday kaniisad mad-habta Katoliga ah, isaga oo sidoo kale la kulmay dadkii gurmadka ka qeyb qaatay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.