Cadiraxmaan Cabdishakuur: “50 beri ka badan ayaa mucaawimo ku xayiran tahay garoonka Muqdisho”

Muuqaal: Shirka jaraa’id ee CCW

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani-aadannimada iyo gurmadka abaaraha xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay xaaladda haslista ah ee abaaraha iyo arrimaha bani-aadannimada dalku marayo.

Wuxuu sheegay in 6.1 milyan oo qof oo Soomaali ah ay halis ku sugan yihiin, kuwaas oo u baahan gurmad dedeg ah.

Ergeyga gaarka ah ee arrimaha bani-aadannimada iyo gurmadka abaaraha ayaa xusay in 50 beri ka badan ay xayiran tahay mucaawimo ay keentay dowladda Qadar, sababta ay u xayiran tahayna aan la aqoon.

Sidoo kale wuxuu sheegay in uu jiro raashin gargaar loo keenay oo bilaha soo socda dhacayo, welina uu ku jiro bakhaarada.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu tilmaamay in caqabada jira ay kamid yihiin wacyigelin la’aan baahsan iyo deeqaha howlaha gargaarka oo aad u ugu yar baahida jirta.

PUNTLAND POST