
Af-hayeenka cusub ee madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar ayaa been-abuur ku tilmaamay in ay jiraan dhalinyaro cusub oo Villa Somalia u qortay difaaca dowladda ee dhinaca baraha bulshada.
Af-hayeenka ayaa sheegay in arrintaas ay aflagaaddo ku tahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo horay u ballan-qaaday in aan dalka mar kale lagu maamuli doonin huuhaa (been) iyo indha-sarcaad.
“Dowladnimo iyo taageero lagu waayay waxqabad lagu heli mayo huuhaa iyo indha-sarcaad. Marna suurta-gal noqon mayso taasi” ayuu yiri Cabdikariin Cali Kaar.
Sidoo kale wuxu sheegay in dowladda cusub aysan beegsan doonin dadkii la soo shaqeeyay nidaamkii madaxweyne Farmaajo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.