
Amiin Maxamuud Guuleed oo ka tirsan urur siyaasadeedka Mideeya ayaa weli u xiran hay’adda Sirdoonka Puntland ee PISA.
Saraakiil ka tirsan hay’adda PISA oo aan rabin in magacyadooda la xigto ayaa Amiin ku tilmaamay shakhsi ku eedaysan kiis la xiriira kicin dadweyne iyo warar-been abuur ah.
Saraakiishu ma faahfaahin kiiska ku saabsan kicinta dadweyne balse waxay ku gaabsadeen in baaritaan lagu hayo.
Urur siyaasadeedka Mideeye weli kama hadlin dhacdaaas lagu xiray Amiin Guuleed oo ka tirsan ururkooda.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.