Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland ee PISA ayaa sida la xaqiijiyay Garoowe ku xirtay nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Amiin Maxamuud Guuleed.
Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in saraakiil ka tirsan Sirdoonka Puntland ay su’aalo ka weydiinayaan arrima uu ku qoray bartiisa Facebook.
Qof aan rabin in magaciisa la xigto ayaa noo sheegay in baaritaan lagu samaynayo Amiin balse wax faahfaahin ah kama bixin.
Amiin Guuleed ayaa muddooyinkiii u danbeeyay qoraallo ka sameeyay kiis la xiriira dhoofinta dhirta geed-quwaaxa kaas oo ay ku eedaysan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.
PUNTLAND POST