Xasan Sheekh oo magacaabay la-taliyeyaal

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay saddex la-taliyeyaal Madaxweyne.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la-taliyihiisa dhinaca sharciga u magacaabay Garyaqaan Ibraahim Iidle Sulaymaan. Ibraahim ayaa horey u soo noqday Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka.

Sakariye Xasan Cali (Gaashaan) ayaa loo magaacat la-taliyaha siyaasadda iyo xiriirka baarlaamaanka Madaxweynaha, halka Xasan Aadan Hosow loo magacaabay la-taliyaha dhaqaalaha Madaweynaha.

Xubnaha la magacaabay waxay ka tirsan yahiin xisbiga UPD ee asaasay Xasan Sheekh Maxamuud.

PUNTLAND POST