Warar sheegaya in wasiir Xasan Abgaal uu is casilayo

Warar aan weli si rasmiya loo xaqiijin ayaa sheegaya in wasiirka Maaliyadda Xasan Abgaal uu doonayo in uu is casilo si uusan qayb uga noqon khilaafka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa 5-tii bishaan May 2022 xilka qaadis ku sameeyay saddex wasiir oo uu kamid yahay kan Maaliyadda.

Inkastoo aysan xilka qaadistaasi dhaqan-gelin haddana waxaa loo arkaa mid sii kala fogaysay madaxweyne Deni iyo madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash.

Arrintaas ayaa ku soo beegmaysa xilli maalmaha soo socda lagu wado in madaxweyne Deni uu dib ugu soo laabto Puntland.

PUNTLAND POST