Mahad Salaad oo loo magacaabay Taliyaha NISA

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta loo magacaabay Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA).

Golaha Wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii khamiis laha ayaa ansixiyay magacaabista Taliyaha NISA Mahad Maxamed Salaad.

Mahad Salaad ayaa shalay beeniyay in loo magacaabay Taliyaha NISA, wuxuuna qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ayuu ku yiri “Wararka Baraha Bulshada lagu qorayo waa been ee yaan lagu khatalmin ikhiyaarey”.

Mahad Salaad ayaa ka mid ahaa siyaasiyiintii sida weyn u mucaaradsanaa dowladdii uu hoggaaminayay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

PUNTLAD POST