
Madaxweyne Siciid Deni oo ku sugan waddanka Kenya ayaa lagu wadaa in uu markii u horraysay dib ugu laabto Puntland tan iyo markii looga guulaystay doorashadii madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweyne Deni oo lix maalmood ka hor ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa safar aan la shaacin ku jooga magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya.
Laba maalin kadib ayaa la filaya in uu dib ugu laabto Puntland gaar ahaanna caasimadda Garoowe sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoonyahay.
Dad aad uga agdhow ayaa sheegaya in madaxweynuhu kulamo deg deg ah bilaabi doono islamarkaana xilka qaadis ku samayn doono mas’uuliyiin kala duwan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.