Taliye ka tirsan Puntland oo beeniyay warar laga faafiyay

Taliyaha Ururka Dayax ee Ciidanka Daraawiishta Puntland G/sare Mubaarak Maxamed Warsame (Jiqda) ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar ku saabsan in uu sameeyay dhaq dhaqdhaqaaq ka baxsan waajibaadka ciidanka.

Taliye Jiqda oo wareysi kooba bixiyay ayaa sheegay in aysan jirin wax dhaq dhaqaaq ciidan ah oo lagu amray in uu sameeyo islamarkaana uu ku suganyahay Taliska Falaydhyaale halkaas oo fariisin u ah Ururka Dayax ee Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Col. Mubaarak ayaa tilmaamay in aanu jirin amar ka soo baxay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland oo ku salaysan in la sameeyo dhaq dhaqaaq ciidan sidaas darteedna ay ku sugan yihiin saldhigyadii loogu tala-galay.

Hadalka Taliyaha ayaa ku soo beegmay xilli saacadihii u danbeeyay baraha bulshada lagu qoray in khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxda sare ee Puntland uu saamayn ku yeeshay Ururka Dayax ee Ciidanka Daraawiishta.

PUNTLAND POST