Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo xil loo magacaabay

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa loo xilsaaray in uu heer qaran, heer gobol iyo caalami kala shaqeeyo dhammaan dhinacyada ay khuseyso iyo daneeyayaasha kale, si loo helo xal waara oo lagu yareyn karo, loogana gudbi karo saameynta abaaraha. Wuxuu kaloo hormuud u noqon doonaa isku dubaridka iyo u ololeynta kaalmooyinka caalamiga ah.

Magacaabista kaddib, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shir jaraa’id wada qabtay.

PUNTLAND POST