Farmaajo oo xilka wareejiyay, kana hadlay ciidamada ku maqan Eritrea

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xilka kala wareegay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xafladda xil wareejinta hadal ka jeediyay ayaa sheegay in uu madaxweynaha la doortay ku wareejiyey ciidamo 5000 ah oo ku maqan dalka Eritrea. Wuxuuna tilmaamay in uu ciidamadaas u keeni waayay xaaladda siyaasadeed oo dalka ka jirtay awgeed.

Madaxweynihii hore wuxuu kaloo xusay in uu madaxweynaha cusub ku wareejiyey hawada, barnaamijka deyn cafinta, codsi xubinimada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay iyo Xeerka Doorashada.

Dhanka kale madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu faylasha uu la wareegay dib u fiirin doono, wixii macluumaad ah oo uu fahmi waayana uu dib ugula laaban doono madaxweynihii hore.

Hoos ka daawo hadal jeedinta Farmaajo iyo Xasan Sheekh

PUNTLAND POST