Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu qabtay degmada Marka

Ciidanka xooga dalka soomaliyeed ayaa xalay howgal ay ka sameeyeen magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ku soo qabteen sarkaal ka tirsan Alshabaab.

Hawlgankan oo ay fuliyeen ururka 14 aad, guutada 14 October ee fadhigoda yahay magaalada Marka  ayaa lagu soo qabtay madaxa miinooyinka  u qaabilsanaa Al-shabaab sida laga soo xigtay saraakiisha.

Magaca sarkaalka la qabtay ee Al-shabaab ayaa lagu sheegay  Aweys Axmed Eelay sida ay sheegeen taliska ciidamada xooga dalka.

Wararku waxay sheegayaan in Aweys Eelay gacanta lagu dhigay isagoo ku hawllanaan falal argagixiso gaar ahaana qaraxyo.

PUNTLAND POST