Puntland: Dil ka dhacay Gaalkacyo

Waxaa maanta magaalada Gaalkacyo lagu dilay Sakariye Siciid Salaad oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo ahaa sarkaal ka tirsan dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo.

Marxuumka ayaa la dilay, xilli uu ku sii jeeday mid ka ah xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla daafaha magaalada Gaalkacyo, sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.

Marxuum Sakariye ayaa ahaa agaasimaha waaxda arrimaha bulshadda iyo barakacayaasha dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo ee Puntland, wuxuuna caan ku ahaa is-dhexgalka iyo horumarinta ciyaaraha gobolka Mudug.

Laamaha amniga gobolka Mudug ee Puntland ayaa weli ka hadlin dilka sarkaalka ka tirsan dowladda hoose ee maanta lagu dilay Gaalkacyo.

PUNTLAND POST