Human Rights Watch oo soo saartay digniin la xiriirta duqaymaha Maraykanku ka fuliyo Soomaaliya

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ka digtay in ciidamada Maraykanka ee lagu celinayo Soomaaliya ay fuliyaan duqaymo waxyeello ka soo gaarto shacabka aan waxba galabsan.

“Dhaqanka ciqaabta la’aanta ee khasaaraha rayidka ah wuxuu dhaliyaa caro iyo kalsooni darro ka dhex dhacda dadweynaha wuxuuna wiiqaa dadaallada lagu dhisayo dowlad ixtiraam leh” ayuu agaasimaha Gobolka Geeska Afrika u qaabilsan Human Rights.

Hay’adda ayaa ugu baaqday dowladda Maraykanka in ay ka feejignaato waxyeellada rayidka ka soo gaarta duqaymaha dhanka cirka ee ciidamada Maraylanku ka fuliyaan gudaha Soomaaliya.

“Saraakiisha Mareykanka waa inay si cad u caddeeyaan sida ciidamadoodu ay uga fogaanayaan inay waxyeeleeyaan shacabka Soomaaliyeed inta lagu guda jiro howlgallada milateri”

PUNTLAND POST