Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka oo ka horyimid xeer ay ansixiyeen Golaha Wasiirada

Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa ku wargeliyay Ra’iisal Wasaare Rooble in la joojiyo xeer-nidaamiyaha sharciga maaraynta maaliyadda, oo ay dhawaan ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Qoraal ka soo baxay Hanti-dhawrka ayaa lagu sheegay in xeer-nidaamiyaha la ansixiyay ay ku jiraan khaladaad sharci iyo qodobo ka soo horjeeda sharciga maareynta maaliyadda guud (PFM Act 2019) iyo sharciga xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka, kuwaasi oo wiiqaya hannaanka loo maamulo islamarkaana loo korjoogteeyo hantida Ummadda.

Sidoo kale Hanti-dhawrka ayaa sheegay in si la mid ah tallaabadan ay maanta qaadeen ay bishii November 2021 u joojiyeen inuu dhaqangalo xeerkani, isaga oo aan xilligaas marin habraacyadii sharci ee saxda ahaa.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa bishan Maajo 11-keedii ansixiyay xeer-nidaamiyaha sharciga maaraynta maaliyadda.

PUNTLAND POST