
Maxkamadda derejada kowaad ee magaalada Garoowe ayaa saaka mar kale u fadhida dhegaysiga dacwadda ku saabsan dhoofinta dhirta loo yaqaan geed-quwaaxa.
Dhegaysiga dacwadda ayaa socda kadib markii maxkamadda la hor-keenay nin ku eedaysan mashruuca dhoofinta dhirta geed-quwaaxa kaas oo u xiran dowladda.
Xeer ilaalinta ayaa sidoo kale waaran u jartay mas’uuliyiin hore xilal uga soo qabtay Puntland oo ku eedaysan dhoofinta geed-quwaaxa.
Mas’uuliyiinta ku lug yeeshay barnaamijkaas waxaa sidoo kale kamid ah kuwa hadda xilal ka haya dowladda oo ay ku jiraan xildhibaano inkastoo aan weli tallaabo laga qaadin.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.