Nin ku eedaysan Shabaabnimo oo lagu qabtay degmada Qoryooley

Ciidamada degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa soo bandhigay xubin ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada.

Ninkaas ayaa ku eedaysan in uu ka tirsanyahay koooxda Al-shabaab islamarkaana u qaabilsanaa dhanka miinooyinka.

Saraakiisha Ciidamada ayaa laga soo xigtay in eedaysanaha la qabtay uu qirtay in uu fuliyay qaraxyo ka dhacay degaano kamid ah Gobolka.

PUNTLAND POST