Wakaalada wararka ee WAM ,ayaa sheegtay in madaxweynaha Imaaraatka Carabta Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan uu amray in 35 milyan oo gargaar bini’aadanimo oo deg deg ah loo soo diro Soomaaliya si loo yareeyo saboolnimada ba’an ee ka jirta gudaha dalka,isla markaana loo taageero dadaalada horumarineed, ee socda.
Deeqdaan ayaa waxa ay xaqiijineysaa sida Imaaraadka Carabta ay uga go’an tahay inay caawiyaan dalalka saaxiibka ah iyo dadaalka ay ugu jiraan horumarinta xiriirka laba geesoodka ah ee ay la leeyihiin Soomaaliya,
Hindisaha Imaaraatka Carabta ayaa ujeedadiisu tahay in ay wax ka qabtaan baahiyaha dadka Soomaaliyeed ay u qabaan dhinacyada kala duwan ee horumarka.
Deeqdaan ayaa qeyb ka ah hagaajinta xaaladaha nololeed ee dadka iyo in sare loogu qaado awooda dowladda Soomaaliya si wax looga qabto dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ka taagan Soomaaliya.
Dhinaca kale,hey’adda UNICEF waxa ay qiyaastay in 4.8 milyan oo qof ay soo food saartay cunto yari ba’an, halka ku dhawaad 1.4 milyan oo carruur ah ay u badan tahay in ay nafaqo darro ba’an soo food saartay dhammaadka 2022.
PUNTLAND POST