Baarlamaanka Maraykanka oo ansixiyey in Ukraine lagu caawiyo $40 Bilyan

Golaha Aqalka Senate-ka ee Maraykanka ayaa ansixiyay xirmo lacageed oo gaaraysa $40 bilyan taas oo lagu caawinayo dalka Ukraine.

 Qaraarkaas oo ay si aqlabiyadleh u ansixiyeen golaha Senate-ka Maraykanka ayaa haatan loo gudbinayaa aqalka cad si uu u saxiixo madaxweyne Joe Biden.

Xirmada cusub ayaa loogu talo galay in lagu caawiyo dalka Ukraine shanta bilood ee soo socota si ay awood ugu yeeshaan inay iska caabbiyaan duullaanka uga imanaya dalka Ruushka.

PUNTLAND POST