Wasiir Beyle oo rajo weyn ka muujiyay in Soomaaliya laga cafiyo deymaha

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa rajo xooggan ka muujiyay in Soomaaliya laga cafiyo dhammaan deymaha lagu leeyahay.

Wasiirka ayaa sheegay in ay shir ku saabsan barnaamijka deyn cafinta la yeesheen mas’uuliyiinta hay’adda lacagta adduunka ee IMf.

Shirka waxa ka qayb-galay sida wasiirku sheegay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud waxaana diiradda lagu saaray dhammaystirka barnaamijka deyn-cafinta dalka.

“Rajada Soomaaliya ee ah gaarista deyn-cafis dhameystiran ayaa hada ah mid aaad u sareysa” ayuu yiri wasiir Beyle.

PUNTLAND POST