Rooble oo ku wareejiyay Imaaraadka lacagtii looga qabtay Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku wareejisay Dowladda Imaaraadka Carabta lacag dhan 9.6 Milyan oo Doollar oo bishii April 2018 looga qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejisay Dowladda Imaaraadka Carabta lacag dhan 9.6 Milyan oo Doollar oo horay looga xayiray.”

“Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa bishii January ee sanadkan amray in la fasaxo lacagtan oo lagala hakiyay dowladda Imaaraadka sanadkii 2018” ayaa qoraalka lagu daray.

Lacagta ayaa tan iyo 2018 ku jirtay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, mana jirin faahfaahin ay dowladdu ka bixisay lacagtaas iyo halka loo waday.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, si uu uga qeyb galo tacsida madaxweynihii geeriyooday Imaaraadka Sheikh Khaliifa Bin Zayid Al-Nahyaan, isagoo sidoo kale madaxweynaha cusub ee dalkaas Sheikh Maxamed Bin Zayid u gudbin doona hambalyo iyo salaan uu uga wado madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

PUNTLAND POST