
Muqdisho (Wararka PP) — Wasiirkii hore ee Qorsheynta Qaranka Cabdiraxmaan Ceynte oo u jawaabaya Billow Kerrow, siyaasi Soomaaliyeed, oo mar ahaa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Kenya, ayaa adeegsaday weedh uu Abuubakar Asadiiq yiri geeridii Nabi Maxamed kaddib:
“Qofkii Maxamed caabudayow, Maxamed wuu geeriyooday, qofkii Alle caabudow Alle wuu nool yahay” ayuu Caynte ku qoray boggiisa Twitterka.


Caynte wuxuu ka jawaabayay hadal qoraal ah oo uu Billow Kerrow ku qoray boggiisa Twitter. “Farmaajo wuu tagay, waa Soomaaliya tan u darsan doonta” ayuu Kerrow qoray. Caynte waxaa lagu eedeeyay inuu meel-ka-dhac diin ku kacay waayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo muu aha Nabi Maxamed.
Ilaa hadda Caynte raalligelin muu ka bixin hadal aad uga yaabiyay culaamu’uddiinka Soomaaliyeed.
© Puntland Post, 2022
You must be logged in to post a comment.