Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ka wada kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo madaxda Soomaalida iyo Beesha Caalamka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta kulamo kala duwan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), kulamada ayaa ahaa kuwo looga wadatashanayay xilligan kala guurka ah.
Sidoo kale Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan looga hadlayay xaaladda abaaraha dalka la qaatay guddiga abaaraha. Wuxuu kaloo kulan la qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish).
Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Ambassador James Swan.
James Swan ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu Muqdisho kula kulmo oo uu si shakhsi ah ugu hambalyeeyo Madaxweynaha dhowaan la doortay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ka xog wareystay arrimaha mudnaanta u leh maamulkiisa,
waxayna ka wada hadleen sida ugu wanaagsan ee Qaramada Midoobay u sii wadi karto taageerada ay siiso Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan maalintii la doortay ee axaddii kulamo la qaadanayay madaxda Soomaalida, qaybaha bulshada iyo Beesha Caalamka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.