Kiis maxkamadeed oo laguha la galay wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan Puntland

Maxkamadda derejada kowaad ee magaalada Garoowe ayaa lagu wadaa in ay saaka bilowdo dhegaysiga dacwad ku saabsan dhoofinta dhirta geed-quwaaxa oo ay ku eedaysan yihiin dad kala duwan.

Nin ku eedaysan mashruuca dhoofinta geed-quwaaxa oo gacanta lagu hayo ayaa sida wararku sheegayaan ka shifay xog sir ah oo muujinaysa in wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan Puntland ay ku lug-leeyihiin mashruucaas.

Maxkamadda ayaa la filayaa in ay saaka bilowdo dhegeysiga garmaqalka kowaad ee ninkan ku eedaysan dhoofinta geed quwaaxa  islamarkaana qirsan in mas’uuliyiinta dowladda qaarkood ku lug-leeyihiin kiiskaas.

Baaritaan hordhac ah oo lagu sameeyay eedaysanaha xiran ayaa lagu ogaaday magacyada wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan Puntland oo ku eedaysan dhoofinta geed-quwaaxa.

Waxaanse weli caddayn sida loo wajahayo dacwaynta mas’uuliyiinta xasaanadda leh ee lagu eedeeyay in ay ku lug leeyihiin dhoofinta dhirta.

PUNTLAND POST