Dad gaaraya 15 ruux ayaa ku dhaawacmay shil gaari oo gelinkii danbe ee shalay ka dhacay nawaaxiga tuulada Birta-dheer oo qiyaastii 50km dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Garoowe.
Gaari nooca loo yaqaan ‘DYNA’ oo rakaab siday ayaa shilkaas ku galay jid-cadde u dhow tuulada Birta-dheer wax yar kadib markii uu ka leexday laamiga xiriiriya Garoowe iyo Gaalkacyo.
Dhaawacyo kala duwan oo shilka ka dhashay islamarkaana qaarkood culus yihiin ayaa la keenay xarumaha caafimaadka ee ku yaalla magaalada Garoowe halkaas oo hadda lagu dabiibayo.
Shilalka gaadiidka ayaa muddooyinkii danbe ku soo badanaya gudaha Puntland waxaana todobaadkan oo keliya la diiwaan-geliyay ilaa afar shil.
PUNTLAND POST