Xasan Sheekh Maxamuud oo markale loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale loo doortay madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kadib markii uu wareegga saddexaad uga adkaaday madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa helay 214 cod, halka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo helay 110 cod, 327 xildhibaan ayaana codka dhiibtay.

Taariikhda Xasan Sheekh oo kooban

Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu 1955 ku dhashay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Wuxuu dugsiga sare iyo jaamacadda ku qaaday magaalada Muqdisho, wuxuuna in badan ku soo shaqeeyay macallinimo.

16 Sebtember 2012 ilaa 16 February 2017 ayuu soo noqday madaxweyninii 8-aad ee Soomaaliya, waxayna ahayd markii ugu horreeyay oo uu siyaasadda soo galay.

Waxaa dowladdii uu hoggaaminayay lagu xasuustaa in ay yeelatay saddex Ra’iisul Wasaare oo kala ahaa Cabdi Faarax Shirdoon, Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

8 Febraayo 2017 ayaa xilkii uu hayay looga guuleystay, markii uu wareegga saddexaad uga adkaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waa asaasihii iyo guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka oo xubno badan ku leh Baarlamaanka Soomaaliya.

Markale ayuu caawa noqday madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kadib markii uu wareegga saddexaad uga adkaaday madaxweynihii xilka kala wareegay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu noqonayaa ninkii ugu horreeyay oo labo jeer madaxweyne ka noqda Soomaaliya.

PUNTLAND POST